Dowlad-Dhis Podcast

Episodes

Jun 17, 2026

1hr 35 min

Podcastiga Dawlad-dhis – Xalqada 5aad
Xalqada shanaad ee Dawlad-dhis waxay diiradda saareysaa mid ka mid ah caqabadaha ee waaweyn ee xiligan: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay Soomaaliya.🎤 Marti: Dr. Abdullahi Khalif, Fududeeyaha Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda🎤 Marti: Mr. Liban Obsiye, Agaasiamah Guud, Sanduuqa Qaran ee Cimilada, JFSDooddu waxay iftiimineysaa sidii si cilmi ah loogu fahmi lahaa isbedelka cimilada, heerka baraaruga mujtamaca Soomaaliga ee isbedelka cimilada, iyo xaqiiqooyinka ku gadaaman heerka la qabsi ee bulshada reer guuraaga ah ee isbedelka cimilada. Xalqadani waxay kaloo eegeysaa heshiisyada caalamiga ah, iyo sida ay dunidu uga jawaabeyso dedaalada yareynta iyo laqabsiga isbedelka cimilada.🎙️ Martigeliye: Dr. Abdirashid Ismail, Agaasime Xigeen, Machadka Deraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS)

Mar 5, 2026

55 min

Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha.
Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya," isla markaana uu isagu hoggaamiyey.
Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan ka shaqaynta nidaamyada caafimaadka dalal kala duwan.
📖 Halkaan ka Akhri warbixinta. 👉
Somali: https://bit.ly/4prProz
English: https://bit.ly/44rgbgI
Arabic: https://bit.ly/3LVsADs

Mar 5, 2026

39 min

Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.

Mar 4, 2026

49 min

Kusoo dhawaada Dowlad-dhis Podcast uu Xalqadiisa kowaad uu noo daah-furay Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada federaalka Somaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre.
 
wareysiga oo ku bilaabmay dib u milicsiga seddex sano guraada Xukuumada qorshayaashii ay la timid waxyaabaha ka qabsoomay & arrimaha ku fashilntay : sida Amniga, Arrimaha federaalka,dhaqaalaha, dowlad wanaaga, Siyaasada arrimaha dibada.
 
Mudane Xamse ayaa miiska soo saaray aragtida Xukuumada ee la xariirto dhameystirka dastuurka, qabsoomida doorasho qof & Cod ah & hormada laga sameeyey dib u xoreynta dalka, Khilaafka dowlad dhexe Puntland,Jubaland & Maqaamka Banaadir.
 
intaas waxaa dheer in tooshka lagu iftiimiyey khatarta ay wajaheyso dowladnimada Somaaliya ayadoo maanka lagu haayo hardanka siyaasiinta, labo u kacleynta kooxaha argagaxisada, hubinti la'aanta dhaqaale ay wajahaan Howlgalka Midowga Afrika ee Somaaliya.
 
Ugu dambeyn Ra'isuul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay iney ka go'an tahay xalinta walaaca jiro ayadoo lagu wada wajaahayo si loo dhan yahay dhamaan folaadka siyaasada ee dalka.
 
Fadlaan Podcast dhameystiran halkaan ka daawo lana wadaag asxaabta.

© 2026 Heritage Institute for Policy Studies. All rights reserved.

Podcast Powered By Podbean

Version: 20241125